black and white bed linen

Awoodda koowaad ee dalka waa dhallinyarada.

Waa waqtigi dhallinyarada ay qaadan lahaayeen doorkooda dhabta ah

Ururka SOYPA

★★★★★

Aas-aaska Ururka SOYPA

Ururka SOYPA waxa lagu aas-aasay magaalada Muqdisho bishii Sebtember 2023, xilli dalku uu wajahayay baahi weyn oo loo qabo jiil hogaamineed cusub, oo ku sifeysan hogaan wanaag, fikir cad iyo hoggaan daah-furan. Ururka waxaa dhidibada u taagay dhallinyaro iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay arrimaha bulshada, siyaasadda, horumarinta dalka iyo maamul wanaagga, kuwaas oo muddo dheer ka arrinsanayay mustaqbal siyaasadeed oo ka duwan kii hore.

Kadib dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ay ka yeesheen jihada dalka, waxay isku raaceen in aragtiyaha iyo hammigooda is biirsaday loo rogo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo dhab ah, ujeeddadiisuna tahay in la dhiso dowlad casri ah oo ay hormuud ka yihiin xoog weynta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuna saleysan sarraynta sharciga, isla xisaabtanka iyo horumarka dalka, islamarkaana ka shaqeeya cadaaladda bulshada, sugidda amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa, xoojinta midnimada ummadda, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

150+

15

Trusted Voice

Since 2023

Mabaadii’da oo faahfaahsan

Empowering Somali youth to lead with vision and unity.

Maxaan u taaganahay?

Ururka SOYPA wuxuu rumeysan yahay dhisidda dowlad casri ah oo ay hormuud ka yihiin xoog weynta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuna saleysan sarraynta sharciga, isla xisaabtanka iyo horumarka dalka, islamarkaana ka shaqeeya cadaaladda bulshada, sugidda amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa, xoojinta midnimada ummadda, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Hiigsiga Ururka

Dhismaha iyo abuurida dawladdnimo casri ah oo ku dhisan sarraynta sharciga, isla xisaabtanka iyo hoggaan ka hufan eex iyo qabyaalad, kuna shaqeysa cadaaladda bulshada, sinnaanta siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale, si loo dhiso Soomaali mideysan oo amnigeeda, adeeggeeda iyo xuquuqda muwaadiniinteedu ay ilaaliyaan hay’ado awood leh. Ururku wuxuu hiigsanayaa in dalladda dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan laf-dhabarta hoggaanka siyaasadda, dib-u-dhiska hay’adaha, hal-abuurka horumarinta dalka iyo ilaalinta qiyamka qarannimada

Ku dhawaad 85% dadka Soomaaliyeed waa dhallinyaro, kuwaas oo badankoodu aan helin mudnaantii ay lahaayeen. Ururka SOYPA waa ahmiyad siiyaha ugu weyn ee dhallinyarada oo ah xooga horumarka maanta iyo mustaqbalka berri ee dalka.

Mudnaanta Dhallinyarada

Gallery

Snapshots of our youth shaping Somalia’s future